Video:-Madaxweyne Deni ” Dowladda Federaalaka ah waxaa ay ka cago-jiideysaa Federaaleynta Dalka



Madaxwayne Deni “ Waxaa waajib ah in laga wada xaajoodo arrimo siyaasi ah sida qeybsiga awoodaha, qeybsiga kheyraadka, doorashooyinka iyo mustaqbalka dalka, dastuurka iyo dhameystirkiisa iyo dhaqaalaha iyo sidii uu dalka u wada jiri lahaa in dalka ka baxayo inta marlaxad ee dalku ka baxayo dastuur dhameystiran, madax dadweynuhu si toos ah u soo doortay, baarlamaan bulshadu soo dooratay iyo sharci cad oo qeexan oo lagu wada shaqeynayo “.

” Golaha amniga, qodobka 111 waxaa uu qorayaa inuu yahay guddi, oo loogu talogalay khubaro, ma aha gole siyaasadeed, waxaa dhici karta iney wasiirro iyo saraakiil ciidan ka qeyb galaan, laakin siyaasadda waxaa ay u baahan tahay gole siyaasadeed “.

Deni ayaa hadalkiisa raaciyay ” Waxaa isna aad muhiim u ahaa qodobada khuseeya Galmudug, oo dood badan ka dhex jiray dowladda federaalka ah iyo Galmudug, sanadkii la kala maqnaa Galmudug ma helin xuquuqihii ay ka heli jirtay dowladda federaalka ah, dowlaha curdinka ah sida Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed miisaaniyadda dowladda dhexe waxaa ugu jirta mid walba in lagu kabo miisaaniyadeeda $150,000 muddadaasi sanadka ah lacagtaas ma helin, waxaa jira lacago ka soo gala deeqaha dibadda oo la yiraahdo miisaaniyad kabid lacagaha noocaas ah lama siin iyo mashaariic kale. Waxaa jiray muran ka dashay xilliga dastuuriga ah ee xilliga, arrintaas horumar ayaa laga sameeyey, laakin xal kama dambeys ah lama gaarin ”



Halkan ka daawo muuqaalka