Qarax ka dhacay Degmada Warta-Nabada Ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax baabuur lala beegsaday xarunta degmada Warta Nabadda.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay goobtaas ka socotay cunto qaybin xilliga uu qaraxu dhacay.

Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 4 qof ay ku dhinteen, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 12 qof oo kale.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah xoghayihii degmada Warta Nabadda Cali Aadan Warsame.

Xigasho VOA.