Agaasime cusub oo loo magacaabay Villa-Somaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasimaha cusub ee Villa Somaliya u magacaabay inuu noqdo Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Nuur Diiriye ayaa waxa uu beddelayaa Dr. Aamin Saciid Cali, oo xilkaas haysay muddo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

“Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.” Ayuu madaxweyne ku yiri qoraal lasoo dhigay barta twitter ee Villa Somaliya.

Waxa dad badan isweydiinayaan waxaa Qasbay in mudo 2-sano ah Madaxweyne Farmaajo uu xafiiskiisa Villa Somaliya u magacaabo Shan Agaasime?

February 16, 2017: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa loo magacaabay Dr. Cali Saciid Faqi.

March 2, 2017: Abuukar Cabdi Cismaan oo loo yaqaano Abuukar Baalle,ayaa isna noqdey!

June 2017: waxaa Agaasimaha madaxtooyada noqday Fahad Yaasiin isaga oo hayey jagadaasi sanad wax ka badan!

August 2018: Dr. Aamina Saciid Cali,ayaa Fahad ka dhaxashay jagada, horayna ku-xigeenkiisa u aheyd waxaa ay heysay 9-bil.

May 2019: Maanta ayaa agaasimihii 5-aad loo magacaabey Villa Somaliya,kaasoo ah Nuur Diiriye Fuursade.