Video:-Booliska Muqdisho oo qabatay Nin lagu tuhunsan yahay in uu bixiyay Imtixaankii la baabi’iyay

Wararka ka imaanaya Muqdisho,ayaa sheegaya in dawladda Soomaaliya ay qabatay Nin u shaqeeya Wasaaradda Waxbarashada oo lagu tuhunsan yahay in uu bixiyey imtixaanaadkii la baabi’iyay.

Booliiska Dowlada Fadaraalka Soomaaliya,ayaa sheegay in la qabtay Ninkaasi oo lagu magacaabo Jamaaluddiin Xasan Xirsi lana sheegay in uu yahay 29-sano jir.

Ninka la qabtay ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayey imtixaanaadka degmada Balanballe ee Gobolka Galguduud.

Dawladda Fadaraalka,ayaa imtixaanaadka joojisay Isniintii waxayna sheegtay in dib loo qaadayo dhammaadka bishan May.

Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada waxay shalay bannanabax ka sameeyeen magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya,kaasoo ay kaga soo horjeedaan imtixaanaadka la joojiyey.,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka