Dayaxu wuu gilgilanayaa wuuna sii yaraanayaa

Hay’adda Mareykanka u qaabilsan dhinaca hawada ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno NASA ayaa xog cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in Dayaxa uu cabirkiisa sii yaraanayo isla markaana uu gariirayo.
Tobankii sano ee lasoo dhaafay, seynisyahannada adduunka ayaa ogaaday in gudaha dayaxa uu qabowga ku sii batay, uuna marba marka ka dambeysa sii angagayo.

Arrintaas ayey sheegeen inay sababtay cirifyo uu yeeshay dayaxa oo lagu magacaabay “Geesaha harraadka ku soo baxay”, kuwaasoo isku gedaamay guud ahaan dusha sare ee dayaxa.

Hadda, xog kale oo cusub oo lagu ogaaday howlgal ay sameysay hay’adda Nasa ayaa muujineysa in dayaxu uu wali gilgilanayo ilaa maanta.

Warbiuxintan oo lasoo saaray maalintii Isniinta ayaa lagu sheegay in sidoo kale gudaha dayaxa ay ka dhacayaan dhul gariirro.

Khubarada ayaa isbarbardhig ku sameeyay isbaddalka ugu dambeeya ee ka socda dayaxa iyo kuwii horay looga soo tabiyay, waxayna sheegeen in aysan u maleyneyn inuu dayaxa kala daadan doono ama burburi doono.

Hase ahaatee, waxay intaas ku dareen in geesaha ku abuurmaya saqafka dayaxa ay aad u sii dheeraanayaan.

Cilmi baarista cusub ee lasoo saaray ayaa waafaqday saadaalin ay seynisyahannada horay u sii sameeyeen sannadihii 1960-meeyadii iyo 1970-meeyadii.

Maxay soo kordhineysaa warbixinta cusub?Waxay daraasaddan ugu dambeysay sahleysaa in si weyn loogu kuur galo dhulgariirrada ka dhex dhacaya dayaxa, waxaana suurta gal ah in dadaal lagu bixiyo sidii loo ogaan lahaa sanbabta keeneysa arrintaas.

Macluumaadka la helay waxaa uruuriyay qalab ay cirbixiyeennada uga soo tageen tadaxa dushiisa, intii ay socdeen howlgalladii dayaxa lagu tagay ee Apollo.

Qalabkii uu kasoo tagay dayax gacmeedka Apollo 11 ayaa si dhakhso ah ugu baaba’ay dhowr isbuuc gudahood, balse qalabyadii kale ayaa sii waday howsha, waxayna ugu dambeyn duubeen ilaa 28 dhul gariir oo kala duwan oo ka dhacay dayaxa gudihiisa intii u dhaxeysay sanadihii 1969-kii ilaa 1977-dii.

Seynisyahannada ayaa hadda rajeynaya inay dib ugu laabtaan dayaxa, ayna wax badan kasoo ogaadaan waxa ka socda halkaas.
Maamulka madaxweynaha Mreykanka Donald Trump ayaa hay’adda Nasa ku amray inay sida ugu dhakhsiyaha badan uguna macquulsan ku tagaan Daxaya.

Haddii tallaabadaas la qaado waxay noqoneysaa markii labaad oo ay cirbixiyeennada tagaan Daxaya muddo 5 sano gudahood ah.