Dhambaal ku socda dhalinyarada Soomaaliyeed.

HADDUU KUSOO GAARO WAA HADDIYADE AKHRI
Maanta waa maalintiinii waa 15ka bisha 5aad 2019 waa maalin ku astaysan maalinta dhalinyarada dhalinyarada soomaaliya qofkasta waa kadharagsanyahay taariikhda maalintaan iyo halkanadii dhalinyarada ee ay kusuntantahay waxaan rabaa kaliya inaan qormadaan kuqaadaadhigo ama aan kaga faaloodo Laba qodob oo aan isleeyahay in lagu baraarugo waa muhiin. Qodobkasta waan dul istaagin ee akhristow qormadaan isku day inaad dhamayso.

1.XAGEE JOOGNAA MAANTA.
Waxaan maraynaa maalmihii nolosheena ugu muhiimsanaa waa marxalad aan haysano waqti inagu filan oo aan si wanaagsan uga faaiidaysan karno waa maalmo aan isbadal wanaagsan aan qof qof iyo wadar wadar u samayn karno. Maanta waa maalin kuhaboon in qofkasta oo dhalinyaraa uu xambaaro masuuliyadda naftiisa iyo tan bulshadiisa inta karaan kiisa.

Maanta waxaan joognaa xili ay haboontahay qofkasta inuu is hordhigo suaalo ad adag kuwaas oo ah noloshu waa maalmee xagee cumriguna waa maanta iyo biriye muxuu yahay hadafka mustaqbalka aad kaleedahay ha ahaato mid qofeed iyo mid bulsheed.

Waxaa kaloo muhiima inaad iswaydiiso qofkasta in iswadiiyo xaalka dalkiisa iyo dadkiisu ay marayaan, maanta waa maalin aan makhraati kanahay in dowladnimadii dalkeenu naawilayey ay sii cakirmayso waxaan joogna maalmo danta dalka ay kamuhiimsantahay danta qof xil loodhiibay si uu qaranka ugu adeego maanta waa maalmo qabiilku uu kaxoog waynihiin qaranka maanta waa maalo calana qabiiladu tosheen ay xoog badanyihiin kan qaranka maanta waa maalmo la isku dilayo afkaar diineed oo an wax kudilaya uu san garanayn cida uu ugu danaynayo kan lagu dilayana uu san garanayn waxa lagu dilayo , maanta waa maalmo ciidamo calooshood ushaqaystayaal ah ay inaga ina kala ilaalinayaan si aan isku nabad galino maanta waa maalmo ay fududahay wax kastoo aan haysano oo dhul iyo dadba leh la inaga fara marooqsan karo.
maanta waa maalin kaan amino oo xilka u dhibaano iyo kan lashaqaynayaaye aysan si wanaagsan inoogu hagar baxayn, maanta maalin aan ku doorano dadka yuuyahay ee aanan kudooran muxuuyahay.

maanta waa maalin awoodeenu kala daadsantahay oo ay quluubteenu sii kala jeedo , maanta maalmo inagoo isku af ah isku diin ah iyo dhaqan iyo ab ah aan ubaahanahay in la inoo kala tarjumo oo cidkale inay inahishiisinayso, maanta mugdi galinkara mustaqbalka kumaanka dhalinyaradaa iyo jiilka sookoraya hadaan sidaan alle ina kasamata bxin, maanta waa maalin qabiilkasta uu doonayo inuu iskiis dowlad madaxnaan oo xuduud , dhul ,iyo dadba leh uu noqdo.

Maanta maalin aan u ciqaabanahay dhacdooyin ay sameeyeen kuwo 20-30 ka hor dhintahay, maanta waxaan joognaa maalin fahankii dowladnimidii uu inaga khaldamay oo aan dowladnimadii u fahanay in awood la isku maquunsho , in hantidiitii dalka la isku daba maro ninkasta intii u kasoo gaaro xaabsado maanta waxaan joognaa maalmo marka magaca soomaali lasoo qaado lasoo xasuusto musuqmaasuq, argagixiso , burcad badeed , saamilay siyaasadeed oo mucaaradad dhagaha iyo in dhahaba la’ iyo muxaafid arka inta muqaal baahiyasha loosoo marsho uu u arka hadalada macmacaan oo warqada laga akhriyey inay yihiin guullo iyo aragtiyo dalkaan uu ku hormarikaro , maanta waa maalmo wasaaradeheenu ay shaqeeyaan maalinkii ay hay’adi mashruuc keento inta kalana waqtiga lagu soo dilo, maanta waa maalmo ubaahan isbadal wayn si looga kaco quusta iyo rajo darada jirta.

Maanta waa maalin ay dhalinyaradu tahay kuwa badan sidaas oo ay kale ay yihiin ugu liita waa shaqo la’aan qaybtood waa waxbarasho la’aan qaybtoo waxay kudhex baaba’yaan dagaalada jid iyo jahada aan lahayn ee afkaarta aan ugu dhex dhimanayno.

Intaas oo marxaladaa iyo kasiibadan oo aanan qormo yar ku soo koobi Karin ayaa ayeynu dhalinyaro kusuganay ee qofkastoo dhalinyaraayoow waxaan ko hordhigay maxaad kula dugboon iswaydii masaan baad rabtaa inaad kujirto mise isbadal baad diyaar utahay adoo kabilaabaya naftaada ku xijinaya deegaankaa kusii xijinaya gobalkaa ilaa dalkoo dhan.

2. XAGEE USOCONAA.

Dhalinyaro waxaa inoo furan laba jid qofkasta jidkuu raaco miraha kabaxa buugurandoonaa hadaba labada wado waa kuwaan.

1.WADADADA DIB UDHACA IYO DAGAALKA.
Wadadaan hayno waa taan amini darada, coladaadda , aqool/siyaasad xumada dulmiga , wadada isgaalaysiin, diin kugabashada iyo argagixisada , wadada musuq maasuqa iyo tuugnimada waa wada ay hayaan dadka masuuliyaadka inoo hayo badankood waa wado danaysi dangaar ah kudhisan waa wada maxaan cunaa iyo maxaan ka faaiidayaa wadaas hadaan marno waxaan helanaynaa natiijada aan hayno maanta oo an inaan asaageen iyo jaalkeenba ka harnay oo maanta la inagu wiirisado sidaan udhaqono waxaan dhaxlaynaa qax iyo qaxooti , qarax iyo qalaase siyaasadeed kuqabsoo kuqadimaysid. Wadaan waa wadada aan ku qasaarnay oo aan hormar lataaban karo kugaari la’nahay waxaan iskaga jirnaa dagaal aan dhamaad lahayn waxaan isku dilayno hadaad siiqaymeeso magayaan inaan isku dilno iskadayee xataa ma mudna inaan la isku dharbaaxo hadal iyo wada fariisi wax lagu xalinkaro baa sanado mustabalkeena ku kasaarar mindi mindi kutaag. Hadaba dhalinyaro wadada dhimashada macnaha yar , dagaal aan dib dhac mooyee aan wax faaiido ah inoo lahayn.

2. WADADA HORMARKA IYO NABADDA.
Waa jidka aan ubaahanahay inaan qaadno si aan dib ukabasho ugaarno nabadu waa furaha nolosha iyo xadaaradda meelaan nabad jirin hormari suurto gal kama ahan waxaan hormar kugaari karnaa inagoo ilowno oo maankeena kasaarna caadooyinka dhaqanka noqday ee kudhisan caadifada iyo cunfiga qabiilka waa inaan maankeen iyo maskaxdeena deena kasaarnaa dagaalkii iyo dhibtii dhacday inagoo marayna wadada dib usixid iscafinta is aaminaadda iyo walaalnimada soomalidu waxay kumaahmaahdaa isma hurtooy ha ishalayn waa xaqiiq isma hureyno oo ciida/dhulku waa inaga dhaxaynayaa taariikhda waan wadaagna oo cidna matirtiri karto waan nahay isku tolan aan kala tagayn. waxaa inoo dan ah inaan ufakarno sidaan maanta ufakarayno oo maxaan cunaa iyo maxaa iidan ah kudhisan waa inaan maankeena , maskaxdeena iyo maleheenaba katirtirnaa si aan taas ugaarno waa inaan waxbaranaa.

waxbarashadu waa hab aan hubadli karno wacigiga qofeed iyo bulsheed sidoo kale waxaan baranayno waa inaan shiilno oo shaandhayno uma baahnin inaan waxkasta barano ee waxaan ubaahanahay inaan barano wax ina wada anfacya oo miro dhal ah.

Si aan ugaarno wadada hormarka iyo nabadda qofkasta oo dhalinyaraa waa in uu noqdaa qof iska adag oo aan loo adeegsan in wadanka wax lagu yeelo waan ugu yaraan afkaaga adinkaa iyo fikirkaaga aan wadanka wax lagu yeelin oo aadan sabab unoqon in aynu sidii hore si aahaano . macquul maahan in aan noqono kuwo dhibta sii siyaadsha inagoo wax baranay oo waalidkeen tacab iyo taakulaba ina ku tabar beeley.

Sidoo kale dhalinyaro waa inaan shaqo tagnaa oo aan noqon kuwo bulshada culays ku ah hadaadan haysan shaqo kuu qalan ha isdhigan shaqana hakafaanin ee noqo mid asagu isdaba oo aan cidna kutiirsanayn sidaas noloshu waa tabac xaglo laabana xoolo kuma yimaadaan qofkasta oo dhalinyaraa waxaa waajib ku ah in uu dadaal adag gasho sidii uu ushaqaysan lahaa si uu hormar nafeed iyo isku filnaansho ugaari lahaa suurto gal maahan in ay fursadu ay iskaga kaa imayso adigoo aan baarin oo aan kudadaalin helisteeda.

Sidoo kale waa inaan badalnaa wacgiga aan kujirno oo aan dhibta dheef u badalna mashaakilaadkana nahaysta waxaan uga bixi karnaa fikirdo xor ah , aqoon fiican iyo samir majiro bulsho iska hormartay dhib la’aan wadooyinka hormarka loomaraayi waa wada dhib iyo kadeed caqabaduhuna meel madayanaan oo waa intii ladoono waxaan kaga bixi karnaa dhalinyaro anoo aan rajo dhigin oo aan isdhiibin inagoo meel uga sootagna danaha raqiiska ee danta gaarkaa iyo tan reerka kudhisan waxaa somaali dhahdaa magaalo waa madal dadka joogana waa makhraati. Taariikhduna dadkay bartaa wixii daboolan waana wariso wanaag iyo xumaanba qoraysa inagaa la inaga rabaa inaan taariikh fiican samayno oo aan dalkeena iyo dadkeena u istaagno.

Halgamayaasheenii taariikhda wanaagsan inoogo tahay ee dhalinyarii SYL , halgamayaashii DARAAWIISH ee sayid maxamed AUN iyo halgankii IMAAM AXMED GUREY dhamaantood waxay ahaayeen halgano dhalinyaro u kacday oo guulo badan oo maanta kufaano inoo soo hoyiyey waataas wadaadaan rabnaa inaan dhamaanteen raacnaa ee qof walbow istaag oo kac wadadaas qaad.
Waxaan kusoo gabagabaynayaa qormadaan gabay uu inooga tahay gabyaageenii waynaa XAAJI AADAN AF-QALOOC.

“Haduu geed engage xaabadaa lagu idlaystaaye
Mid yar oo iniintiisa ah baa soo awaal baxae
Isgaa anfaaciga harkiyo oodda kaafiya e
Dadka odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisa
Ubadkooda hadha baa tabcoo aayatiin hela e
Markii aadan iyo xaawo iyo kaynta la abuuray
Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
Inamiyo hablaba waxaad tihiin aarankii kacaye
Itaalgabe dadkii hore waaidin aragtaane
Idinkaa amaanada xilka eeggan qaabiliye
Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhaxaadkiiye
Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
Axmaqnimo waqtigii kaagatagaay oohin kugu reebye
Ayaantii kudhaaftaa waa waxaan la eegayne
Axadkii kaslaan iri sabool abidki weeyaan e.”

Waad ku mahadsantahay akhrinta qormadaan waxaan kaa codsanayaa inaad lawadaagtid dhalinyaradda kale mahadsanid.

W/Q: maxamuud maxamed farah (yariisow).