Mucaaradka Suudaan iyo milatariga oo heshiiyay

Hoggaamiyayaasha Milliteriga Sudaan ee talada dalkaasi la wareegay bishii hore waxay kooxaha Mucaaradka kula heshiiyeen in muddo 3-sanno ah looga baxo xilliga kala-guurka ah, si Dowlad rayid loogu wareejiyo maamulka dalkaasi.

Jeneral Yaasir Al-Atta oo ka tirsan Golaha Milliteriga ee TMC oo hir Jaraa’id ku qabtay magaalada Khartuum ayaa sheegay in ay labada dhinac heshiis kama-dambays ah ka gaareen Awood-qeybsiga, oo ay ku jirto qaabaynta maamulka soo socda ee dalkaasi.

Waxaa kale oo uu sheegay in muddada xilliga Kala-guurka la dhisi doono Baarlamaan ka kooban 300 oo xubnooda, iyadoo 67% ay ka imaan doonaan Isbahaysiga Xorriyadda iyo Ibedelka, halka 33% ka kala imaan doonaan Kooxaha kale ee Siyaasadda.