Puntland oo awaamiir cusub dul dhigtay Shaqaalaha Ajaanibta

Puntland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo la dul dhigay Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka hawlgala deeganada Dowlad Goboleedkan, sida lagu sheegay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha Puntland.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, ayaa lagu amray dhammaan shirkadaha iyo Hay’addaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawlgala deegaannada Puntland ” in ay xogta shaqaalahooda oo faah faahsan ku soo gudbiyaan mudda bil ah, si loo ilaaliyo habsami-usocodka shaqada waddanka iyo arrimaha ka dhalan kara loo shaqeeyaha iyo shaqaalahaba “.

Amarka Wasaaradda ay soo saartay, ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in Shaqaale Ajaanib ah hay’addaha aysan keensan karin iyaga oo aanan si sharci ah u soo marin Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha Puntland.