Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya iyo Dagaalamayaal tirsan Al-shabaab uu ka dhacay Gobolkaasi.


Dagaalka oo ahaa mid culus,laiskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa labada dhinac waxa uu ku dhexmaray deegaanada Maykaareebey iyo limey oo qiyaastii 20KM ujira Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.


Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-shabaab ay wadada u galeen kolonyo ay wateen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, oo ka soo baxay Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo.


Dagaalka qaatay muddo saacad ku dhaw ayaa ka dhacay halkaasi,kaas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha dagaalka ka soo kala gaaray labada dhinac.