Madaxweyne Deni oo ku wajahan Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa ku wajahan Magaalada Gaalkacyo subaxa Sabtida ah hadii rabi idmo.

Qabanqaabada soo dhaweynta waftiga Madaxweynaha,ayaa si weyn uga socota Gobolka.

Inta uu joogo Madaxweyne Deni Gobolka Mudug waxay kulamo lasii qorsheeyay wada yeelan doonaan waxgaradka iyo guud ahaan qaybaha bulshada.

Arimaha ugu waa weyn ee uu ku salaysan yahay safarka Madaxweynaha ee Mudug,ayaa laga xusi karaa laba qodob oo kala ah:-


1.Amaanka

2.Mashaariicda horumarineed.


Tan iyo intii la doortay Madaxweyne Deni waa markii ugu horaysay oo uu booqdo Gobolka Mudug,waxuuna kusoo aadayaa iyadoo dajin lagu bilaabay Markabkii siday Qalabka dhismaha Dekeda Garacad.

Madaxweyne Deni sidoo kale waxay nayrobi ku kulmeen ganacsatada Gobolka kasoo jeeda,kulankaas oo kusoo idlaaday is afgarad buuxa.

Reer Mudug,ayaa dareen ka qabay Dowlada Deni madaama ay u arkayeen in ay qayb ka yihiin saamayna ku leeyihiin kooxo lugooyada shacabka ku mashquulsan.

Madaxweyne Deni ugu yaraan dareenkii ay qabeen reer Mudug hoos buu u dhigay kadib dhawr talaabo oo niyad sami ah oo uu ku dhaqaaqay.

Jibril Qoobey.