Midowga Afrika oo xilliga u kordhiyey Hawlgalka AMISOM

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxay bishan May 9-dii Kulankoodii 848-aad ka yeesheen Warbixintii Guddoomiyaha AU-da ee Dib-u-eegista Wdaajirka ee AU-da iyo QM ee Hawlgalka AMISOM ee Somalia.

Hadal-qoraal oo ka soobaxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxaa lagu sheegay in horumar muuqda laga sameeyey hubinta Ammanka iyo Nabadda Somalia iyo sida ay uga go’an tahay muhiimadda Joogitaanka Ciiddanka AMISOM ee gudaha Somalia.

Golaha PSC  waxay kaloo go’aamiyeen dib-u-cusbooneysiinta Xilli-hawleedka Hawlgalka AMISOM, waxayna isku raaceen in muddo 12 bilood lagu daro Xilliga Hawlgalkaasi ilaa laga gaarayo bisha May 27-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

Muddo-kordhintaasi waxaa la sheegay in looga dan leeyahay in lagu taageero Xaqiijinta Qorshha Xilliga Kala-guurka ee Somalia ( The Somali Transitional Plan (STP).”