Muqdisho – Ciidamada amaanka Oo Toogtay Nin Hubeysnaa Oo Dhaawacay Askari

Ciidamada amaanka ee Somalia ayaa lagu soo waramayaa in ay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ay ku toogteen min la sheegay in uu hubeysnaa.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in markii hore qofka hubaysnaa uu dhaawacay askari ka tirsan ciidamada ku sugan isgooyska Bakaaraha kadibna isaga toogasho lagu dilay.

Dhinaca kalana waxaa la sheegay in uu baxsaday qof kale oo la socday kan la toigtay mooto ay ku socdeena uu ku baxsay,sida ay saraakiishu u sheegeen warbaahinta.