Akhriso:- Go’aano laga soo saaray arrimaha Xajka ee sanadkaan

Guddi ay u xilsaartag dowladda fedraalka Soomaaliya arrimaha Xajka ee sanadkaan ayaa soo saaray macluumaad la xiriira hanaaka loo wajahayo Shirkadaha ku guukeystay in ay qaadaay Xujeyda iyo kharashka laga qaadayo xujeyda sanadkaan.

Suldaan Cabdiqani Qorane oo afhayeenka guddiga loo xil saaray howshaan ayaa tilmaamay in qof kasta oo xajinayo laga qaadayo lacag dhan 3600 oo dollar iyo qeybta VIP-da oo laga qaadayo 5000 oo dollar.

Sida gudigu ay sheegeen 84 shirkadood ayaa u tartamay sanadkaan arrimaha Xajka waxaana ku soo baxag 54 Shirkad oo daabuli doona 15,000 oo xujey ah oo ka kala imaaneysa gobolada dalka Soomaaliya.