Jabuuti, Itoobiya , Suudaanta Koonfureed iyo Uganda oo dhisanaya waddo tareen

Dowladaha Jabuuti, Itoobiya , Suudaanta Koonfureed iyo Uganda ayaa ku heshiiyay in ay dhistaan qad isku xira caasimadohooda, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiyaa.


Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD.


Madaxweynaha Jabuuti ayaa horey u sheegay in Soomaaaliya ay ka digtoonaato isbedelka gobolka ee Itoobiya ay hor keceyso.


Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu ku sheegay: “Anagu jawigaa nabadeed diyaar baan u nahay, annaguna waxaan niri horta bal arrinkayaga aanu dhameysano, waa dhowdahay, waana sugeynaa. Taasna kama dhigno in aan ka xunnahay ama aan ka horjeedo. Laakiin waxa weeyeen, salad walba xilligeedaa la tukadaa”.


Mar uu arrimaha dhaqaalaha ka hadlayay wuxuu yiri: “Heshiis anagu aan ognahay oo dhaqaalaha badalaya ama si kale u rogaya oo anagu aan ognahay majiro”.


Madaxweynaha Jabuuti ayaa loo arkayay inuu ka caga jiidayay isbedelka ka socday Geeska Afrika, laakiin wuxuu ku adkeysanayay in iskaashiga dhaqaalaha uu sidiisii yahay. Hadase waxa ay u egtahay in iskaashigii uu Geelle uga digayay Soomaaliya uu galayo mid la mid ah.