28-sano kadib siyaasiyiinta beesha isaaq Oo iska idho tiraya waaqiciga!!

28-sano kadib wali waaqiciga waa u hakan la”yihiin Somaliland-ta halka beel danteeda lagu ilaaliyo.

Waxa ugu weyn ee ay ku faanayso 28-sano kadib Somaliland-ta ka dhalatay carada beelaysan waa xasilooni aan cago badan ku taagnayn.

Majiraan adeeg bulsho oo macno leh oo ay ku faani karto maanta Somaliland-ta Muuse Biixi hogaamiyo.

Majiraan hay”ado Dowladeed oo dhaafsiisan heer maamul goboleed.

28-sano kadib waaqiciga ah ma heli kartaan aqoonsi ka weyn maamul goboleed Somaliyed oo wax tabanaya dhawr sababood oo jira awgood waa la jaanqaadi la”dahay Somaliland-ta caraysan.

28-sano kadib u hakan wayday in ay ku dayato Rwanda oo Qowmiyad ka mid ah Qowmiyadaha dalkaas looga xasuuqay colaadii sokeeye in ku dhow Hal Milyan oo Qof.

Mustaqbalka Somaliland-ta lagu ilaaliyo danaha beesha Isaaq waa nidaamka Fadaraaliga ah ee dalku qaatay.

Jibril Qoobey.