Goodax Barre oo markale ku xadgudbay Imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

Wasiirka Waxbarashada Fadaraaliga Somaliya Goodax Barre oo ka hadlayay Magaalada Jowhar, ayaa xilli uu dadka reer Hirshabelle ka qancinayay faashilka ku yimid imtixaankii Dugsiyada sare ee Wasaaraddiisu diyaarisay wuxuu ku yiri….

“Imtixaan Waa fashilmaa, Saacadan la joogo Puntland imtixaaney qaadaysay waa ka fashilmay, wadamada dariska ah iyo aduunka waa ka fashilmaan, laakiin intaan fashil la’aanta u dhawaanay eega, 104 Goobood oo imtixaan lagu qaadayay in Hal kaliya uu ka fashilmay, wey yartahay runtii, da’daal weyn ayaanan galinay Arintaan”

16-kun oo Arday,ayaa maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland walina lama soo sheegan wax qul-qulato ama fashil ah oo ku yimid.