Madaxweynaha Puntland oo furay Imtixaanka Shahaadiga ee Ardayda Puntland u fariisteen maanta

Madaxweynaha Puntland Siciid C/alaahi Deni ayaa si rasmi Caasimadda Puntland uga daah furay imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ,oo ay sanadkan u fariisteen 15,800 Arday oo ka kooban ardayda dhamaysay Dugsiga Sare iyo Dugisga dhexe.

106 goobood oo ka tirsan deeganada Puntland ayeey u fariisteen ardaydan Imtixaanada Shahaadiga ee sanad dugsiyeedka, waxaana furay Imtixaanka Madaxweynaha Puntland.

Siciid Cabdulaahi Dani ayaa bogaadiyay Wasaaradda Waxbarashada Puntland hanaanka ay u agaasintay oo ay isugu dubu riday Imtixaankaasi oo uu u rajeeyay ardayda inay si hagaagsan u galaan Imtixaanka.

“Imtixaanka dhibaato ma’ahan ee waa tijaabo qofka aqoontiisa lagu tijaabinaayo, marka ardayda waxaan u rajeynayaa guulo & inay si hagaagsan ku galaan Imtixaanka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay dowladda Federalka Somaliya & Maamul Goboledyada in looga baahan yahay khibrad inay ka bartaan maareynta habka Puntland u maareysay Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland.

Imtixaanka ardayda Puntland maanta u fariisteen, ayaa ku soo aadaya iyadoo Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ay ku guul dareysatay qabsoomida Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare, kadib markii Qishka Imtixaanka Suuqa uu galay, sidaasina lagu joojiyay Imtixaanka.