Maxaad kala socotaa xaalka Itoobiya Ee sii cakirmaya?

Mudaahaaraadyo,isku dhacyo beelaysan,muran xuduudeed oo aan joogsi lahayn,waxay hariyeen hogaamintii ra’isalwasaare Abiye ilaa iyo hada.

Guud ahaan itoobiya waxaa ka socda arimahaas aan soo xusnay oo markii deegaan la damiyo mid kale istaarmayo.

Shirkii uu yeeshay guddiga fulinta ee Xisbiga talada haya ee EPRDF ugu danbayntii warmurtiyeed kasoo baxay waxaa walaac aad u weyn looga muujiyey xaaladda amni ee dalka Itoobiya.

Guddiga,ayaa si gaar ah u tilmaamay arimaha sii murginaya xaalka dalkaas,waxaana ka mid ah qodobada ay carabka ku dhufteen..

B.Qabyaaladda oo sii xoogaysatay.

T.Hubka sharci darrada ah siyaabo kala duwan ugu soo qulqulaya.

J.Isku dhacyada beelaha oo tiro beel sii noqonaya.

X.Baraha Bulshada oo laga faafiyo hadalo aan u wanaagsaanyn amniga.

Attoo Abiye oo raba in uu isku muujiyo siyaasi dimuqraadiya furfuran oo ka badalan siyaasiyiintii isaga talada uga horeeyay ee Tigreega iyo shucuubta itoobiya oo ay ku cusub tahay Dimuqraadiyada,ayaa loo aanaynayaa xaalka cakiran ee dalkaas in ay iyaduna qayb ka tahay.

Dal kusoo hoos jiray taariikhdiisa maamulo gacan bir ah wax ku qabta oo aan shacabka waxba laga waydiin taladooda iyo Bulsho la qabsatay una aragtay hanaanka nololeed in uu sidaa yahay in ay isu badalaan shacab Dimuqraadiya oo masiirkooda iyaga gacanta ugu jiro mahan wax fudud.

Sidoo kale nidaamkaas gumaystaha iyo cadaalad darada ku dhisnaa ee dalkaas isu badbadalayay taariikhdisii in laga min guuriyo nidaamka dalka iyaduna waxay ubaahan tahay wakhti ku filan.

Attoo Abiye waxaa horyaala hawlo baaxad weyn iyo shaqo adag,waxaana looga fadhiyaa in uu si dhab ah hoos ugu daadago wax ka badalka nidaamkaas soo jireenka ah.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan dad badan oo u arka in aysan wax weyn iska badalin nidaamkii dalka oo shalay Tigree dalka siduu doono ka yeelayay maantana ay Oromo badashay.

Isku soo wada duuboo ku dhawaad 100-Milyan oo tirsanaya cadaalad daro ,musuq eex iyo koox ama qabiil talada iyo dhaqaalaha dalka ku takri fala oo 3000-sano soo jiitamaysay in laga gudbo oo loo badalo Bulsho siman,cadaaladu dhex u tahay oo ilbax ah horayna usocota waa rajo calaamad su’aal saaran tahay!!.