Video:-Halkee ku danbeeyay Qaadacaadii Dowlada Puntland Ee nidaamka Xajka?

Wasiirka Duulista Hawada,Garoomada Puntland Iyo Masuuliyiinta Shirkada Carafaad Ee Qaadaysa Dadka Soo Cimrasanaya Iyo Xujayda Deegaanada Puntland ayaa Maanta Ku Sagootiyey 126-Qof Garoonka Diyaaradaha Ee Garowe.

Inkastoo la amaanay diyaarada qaadaysa Xujayda oo toos uga dagaysa Sacuudiga siina mari doonin Magaalo kale oo Somaliya gudaheeda ah iyo maamulka shirkada Carafaat ee dadka soo Xajisiinaysa hadana waxa is waydiinta mudan,ayaa ah….

”Meeyay go”aankii qaadacaada Dowlada Puntland ay ka qaadatay arinka Xajka?.

Wasiir Cawil Shiikh Xaamud shirkiisii jaraa’id ma waxba kama jiraan buu noqday mise si hoose ,ayaa wax loo kala goostay?

Markii horeba su’aalaha taagnaa waxaa ka mid ahaa qaylada Wasaarada Cadaalada Puntland ma tahay mid danta Umada lagu baadigoobayo mise….?.

Sida muuqata hawshii Xajka waa socotaa Cawil bulshada lama wadaagin xal la gaaray,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.