Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Gaaray Jowhar

Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaaliya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Cabdullaahi Goodax Barre,Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Ducaale Islow, xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Mas’uuliyiin oo ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Weli si rasmi ah looga shaacin Ujeedka Magaalada Jowhar ay u gaareen Wafdigan,hayeeshee warar soo  baxaya ayaa sheegay in halkaasi ay u tageen arrimo la xiriira Imtixaanka dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa dhawaan waxaaa uu sheegay in Guddiga ka socda Wasaarada Waxbarashada eek u sugan deeganada Hirshabeelle ay isaga baxaan,isla markaana maalintii shalay aheyd ay halkaasi isaga soo baxeen.