Xisbiga Labor-ka oo u Dhaw Inuu ku Guuleysto Doorashada Australia

Natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxaya doorashada baarlamaaniga ee dalka Australia, ayaa muujinaya in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono doorashada.

Arrintan waxay imaneysaa kaddib lix sannadood oo dalkaasi ay xakumayeen xisbiga midigta fog ee muxaajitka ah.

Dad gaaraya 17 milyan oo ruux ayaa codadkooda ka dhiibanaya doorashadan oo ololaheedu ahaa mid aad u adkaa oo ay axsaabta aad isu weerareen. Waxaana ahmiyadda koowaad ee shacabka uu yahay isbadalka cimilada, caafimaadka, iyo guryeynta iyo wax ka badal lagu sameyo heerka nolosha.

Warbaahinta Australia ayaa ku warrantay in xisbiga Labor-ka ee uu hogaamiyo Bill Shorten uu 52 boqolkiiba kaga hogaaminayo isbaheysiga talada haya oo la sheegay inuu helay 48 boqolkiiba.

Codbixinta ayaa wili ka socota dhinaca galbeed ee Australia.