Boqorka Sacuudiga oo shir igu baaqay Dowladaha Carabta.

Boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa golaha iskaashiga dawladaha khaliijka iyo kan dawladaha Carabta ugu baaqay in la isugu yimaado labo shirweyne oo degdeg ah si looga wada xaajoodo saamayntii ka dhalatay weerraradii lala beegsaday maraakiibta Sacuudiga iyo imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa barteeda twitter-ka ku qortay in laba shirweyne magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishaan May.

Baaqaan ayaa imaanaya ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.