Gabar Soomaali oo qaxooti ku ahayd Jasiiradda Malta oo la la’yahay

Sida aynu ka soo xiganay Shabakadda Wararka Online-ka ee Cyprus Mail waxaa la la’ yahay Gabar Soomaali ah, taasi oo gurideeda ka maqan tan iyo bishan May 17-dii.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Qubrus ayaa lagu sheegay in gabadhaasi oo lagu magacaabo Nimca Khaliif Axmed oo 17-jir laga la’ yahay gurigeeda oo ku yaalla Degmadda Limassol oo ah magaalladda Labaad ee ugu weyn Qubrus, marka laga soo tago magaalladda Nikosia oo ah Caasimadda Qubrus.

Boliska waxay kaloo sheegeen in Gabadhaasi la waayey galabnimadii Khamiista ee la soo dhaafay, waxayna soo bandhigeen Sawirkeeda, Astaamaha kale ee lagu garan karo iyo Labiskii ay wadatay markii ugu dambeysay ee la arko.

Ma aha markii ugu horreysay oo haween Soomaali ah lagu waayo Jesiiradda Qubrus, iyadoo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR bishii hore ee April 23-dii sheegtay in la la’ yahay 3 Haween Somali magangelyod-doon ahaa oo ku noolaa Jesiiradda Qubrus.

Mid ka mid ah Haweenkaasi ayaa la sheegay in dib loo helay bilowgii bishan, inkastoo aan labada  kale wax war ah laga haynin, lagana yaabo inay dalal kale u sii tahriibeen.