Goodax Barre oo bixiyay raali galin lagu khasbay

Qoraalka waxa uu ku sheegay in la siiyay xog khaldan taasoo eheyd in madaxweynaha Puntland uu Garowe ka sheegay in la jabsaday Imtixaanka Puntland, sidaasna uu u sheegay ardeydii Jowhar ee uu khudbada u jeedinayay, isagoo aan iska hubin hadalka.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in hadalkan uu yimid daqiiqado kadib markii wadahadal dhinaca talefoonka ah uu dhex maray Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo looga dalbaday in Goodax uu raalli gelin ka bixiyo hadalkii ka soo yeeray.

Dad badan ayaa qaba in raali galinta Goodax aysan macno usamaynayn reer Puntland maadaama ay fahansan yihiin in ay ka keentay baqdin uu baqay kursigiisa balse aysan ka ahayn niyad wanaaag iyo khalad qaadasho.


16-Kun oo ardey,ayaa Sabtidii shalay u fariisatay imtixaanka Fasalada ugu danbeeyay ee dugsiyada Dhexe iyo Dugsiyada sare ee Puntland mana jirto wax faashil ama dib u dhac ah oo laga soo sheegay maalinkii labaad oo Imtixaankaasi uu usocdo si habsami leh.

Halkan ka akhris warqada raali galinta Goodax Barre