Muhaajiriin Soomaali U Shaqeynayay Maleeshiyadda Xuutiyiinta Oo Lagu Qabtay Yemen

Ciiddanka Dowladda Yemen ee ku sugan Waqooyiga magaalladda Tacis ee K/Galbeed ee dalkaasi ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen  Labo Muwaadin Soomaali ah oo sida la tilmaamay u shaqeynaysay Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ee taageeradda ka hela Dowladda Iiraan, isla markaana dagaalka kula jira Dowladda Yemen ee ay QM iyo Isbahaysiga Sacuudigaan taageeraan.

Ilo Milliteri ayaa u sheegay Warbaahinta dalkaasi  inay Ciiddanka ku sugan Deegaanka Aagga Al-Zanuuj ee duleedka magaalladda Tacis qabteen Labada Nin ee Soomaalida, xilli ay doonayeen inay waxyaabaha qarxa ku aasaan dhismo ku yaalla Deegaanka Al-zanuuj, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sida laga soo xigtay Ilo-wareedka ku dhow Ciiddanka Dowladda Yemen waxay kaloo sheegeen  inay Ciiddanka jidka u galeen Muhaajiriinta Soomaalida, ka hor intaysan qabanin iyagoo aasayey miinadda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ciiddanka Dowladda waxay kaloo sheegeen in mid ka mid ah Eedeysanayaasha Soomaalida ku dhaawacmay miinadii uu asaayey, halka midka kalena uu ku dhaawacmay rasaas ay soo fureen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, Qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka Yemen waxaa lagu soo bandhigay Sawiradda Labada qof ee la sheegay inay Soomaali yihiin, inkastoo aan la shaacinin magacyadooda.