Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho,ayaa sheegaya in qarax baabuur uu ka dhacay degmada Xamar Weyne gaar ahaana dhabarka dambe ee taallada SYL.

Qaaraxan,ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhashay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Ilaa hadda ma cadda in lagu dhuftay iyo in meesha la dhigay.

Qaraxa,ayaa dhacay hal saac kadib markii Muqdisho laga afuray.