Baarlamaanka Fadaraalka oo ansixiyay xeerka Batroolka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Jamuuriyadda Soomaaliya,ayaa maanta meel mariyay sharciga Batroolka dalka,kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka Golaha ee Maanta,ayaa waxaa soo xaadiray 154-Xildhibaan,waxaana ay ansixiyeen Xeerka Batroolka.
Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Batroolka,150-xildhibaan,waxaana diiday,4-mudane,sidaasi ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka.

Sharcigan maanta baarlamaanka fadaraalku meel mariyay,ayaa inta badan Dowladaah xubnaha ka ah Dowlada fadaralku raacsan yihiin marka laga saaro Puntland oo gebi ahaanba qaadacday heshiiskii Baydhabo oo sharcigan lsaldhig u ah.