Kastamka Tuurdibi Ee Puntland iyo Itoobiya xiriiriya oo dhawaan hawlgali doona

“Waxaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenaka Maaliyadda oo kala soo hadlaya sidii Dowladda Itoobiya iyo Puntland ay uga wadashaqayn lahaayeen Kastamka Tuurdibi, Wasiirka Maaliyaddana dhowr beri ka bacdi ayuu u gudbayaa halkaas si ay dhinaceena heshiisku uga hirgalo mudo ayaan sugaynay waxaan goosanay wada-hadalkiina inaan wadno shaqadiina aan bilowno,

Madaxweyne Deni,ayaa sheegay in Kastamkii Tuurdibi ee Degmada Goldogob ee Puntland iyo Itoobiya isku xira laga hawlgalay dhawaana la hawlgalin doono .

Si gaar ah waxuu Madaxweynuhu u xusay in dhnak Puntland lasii hawlgalin doono shaqada Kastamka.

Talaabadan,ayaa ah mid ay soo dhaweeyeen bulshada Gobolka iyo guud ahaan Puntland,iyadoo mashruuca Tuurdibi uu ahaa mid soo jiitamayay sanadihii ugu danbeeyay.

Kastamka Tuurdibi ee Puntland iyo Itoobiya,ayaa noqon doona mid ka mdi ah kuwa ugu mashquulka badan ay ka kala gudbaan badeecadaha ukala gooshi doona labada dhinac.

Jibril Qoobey.