Sheeko Taajirad Iyo Fiqiir

Sheeko Taajirad Iyo Fiqiir

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah oo naxariis oo dhan iska leh..

Waxaa jiray nin, wax yaabaha aadamuhu qiimeeyaan ka aradnaa, hadday ahaan lahayd meelaha la seexdo, oo ma uusan haysan qol uu seexdo hadba wuxuu seexan jiray meesha ay ku qabsato, gidaar, geed hoostiis iyo meel banaanba. Hadday ahaan lahayd huga la xirto, ma uusan haysan dhar lakala bedesho, bal waxaa ku kor dhammaaday surwaalkii iyo shaarkii uu qabay. Wuxuuse ahaa nin aan jeclayn oon cidna ka yeeli jirin in sharaftiisa iyo karaamadiisa meel looga dhaco, lacag kastoo la hor dhigana kuma gadan jirin sumcaddiisa shaqsinimo…
Maalin maalmaha ka mid ah, isagoon saddex caalamaal (casho, quraac iyo qado) waxna afka gelin raamsi iyo cabitaanba, ayaa waxaa ka hor yimi laba dumar ah oo hadday xarago jirtay xaragoonaya, markay dhaafeen ayaa waxaa ka dhacday boorsada lacagaha iyo kaararka wax lagu gato lagu qaato. Boorsadaad yar waxaa ku jiray afar kaar iyo toban kun oo doollarka Maraykanka ah. Dumarka oo ahaa kuwa aad uga baqsan ninka, ayaa xawaare aan yarayn ku dhaafay iyagoon dib u eegin dariiminna in wax ka dhaceen. Ninkii wuxuu dhulka ka qaaday boorsadii oo afku furan yahay, waxaana ishiisa ku dhacday maalka dhex ceegaagay, hase ahaatee qalbigiisa damac uma gelin inuu isticmaalo, adduunyadaas dhex jiiftay boorsadaas. Isagoon itaal badan oo uu ku ordo ama ugu qayliyo lahayn, ayuu karaankiisa ka daba dhawaaqay kana daba dhaqaaqay, nasiib xumo dumarkaasi dheg uma dhigin codkaas diciifka ah ee ka danbeeyey, waxayna ciirsanayeen cagahooda si ay ninkaas diifaysan uga baxsadaan…
Iyagoo is daba gurdamaya, ayeey waxay soo gaareen meherad ka mid ah meheradaha caalamiga ah ee dadka maal qabeenka ahi ka cunteeyaan kana qax weeyaan, dumarkii markay soo gaareen afaafkii hore ee meheradda, ayeey qaylo afka furteen iyagoo miciin waydiisanayey dadkii meheradaas joogay, fartana ku fiiqayey ninkii ka danbeeyey ee aad u diifaysnaa… Waxaa soo raacay sawaxankii dumarka dad badan, dadkaasi iyagoon wax hubsan ayeey weerar ku jiheeyeen ninkii dhibbanaa ee boorsadii ka dhacday dumarka ka daba waday, markii dhowr jugood oo harraati u badnaa ay ku dhaceen, ayuu naf lacaari boorsadii kor u taagay, isagoo farta ku fiiqay dumarkii. 
Markii la arkay boorsadii maalka ku gufaysan, ayaa dadkii meesha joogay fuqna cirka tegay midna dhulka haabtay, hadalna kasoo bixi waayey. Kuwii maankoodu qaybsami karay ayaa u yeeray dumarkii oo tusay boorsadii, waydiiyeyna inay leeyihiin. Xaaladdii ayaa yeelatay waji kale, dadkii sawaxanka soo raacay, ayaa quluubtoodii mawjado kala duwani hirdiyeen, waxayna isugu biya shubteen inay weerar ku qaaciyaan dumarkii ka cabanayey ninkaan diifaysan, waxayna gaarsiiyey canaan iyo aflagaado aan xad lahayn.
Ninkii ugu maalka roonaa ayaa soo gacan qabtay miskiinkii oo wali dhulkii fadhiya, markuu soo istaajiyey oo uu si hufan ula hadlayo, ayaa waxaa kusoo xoomay kuwii hadalada ka baayac mushtari jiray ee war baahiyaasha ahaa. Maal qabeenkii markiiba waxaa istustay sumcad xad dhaafa oo uu ku heli karo miskiinkaan ay qabsatay qisada laab dillaaca ku ridi karta aadamaha, wuxuu bilaabay inuu isku lammaaniyo miskiinkii isagoo diifta ka muuqata tilmaamaya iyo waanaagga uu waday ee xumaata loogu bedeley, wuxuuna ku tilmaamay dumarkii qisadu ka dhalatay inay qayru masuul yihiin, noocooda oo kalana ay yihiin kuwa dadka iska horkeena… Wuxuu markale farta ku fiiqay miskiinkii, isagoo leh “bal eega rafaadka saaran yo diifta ka muuqata, bal eega boorsadaas maalka ku jira intuu dhan yahay, kama aysan suuroobin inuu hantidaas isticmaalo, markuu kasoo daba luuday oo uu doonayey inuu hantidooda u celiyo, waxay ugu jawaabeen garaaca, dila tuugga…” Maalqabeenku intuu hadalka watay muuqaal duubuhu wuxuu hadba duubayey dumarkii iyo ninkii miskiinka ahaa oo uu maalqabeenku garabka haysto.
Ninkii miskiinka ahaa ayaa war laliyihii ka qabsaday maalqabeenkii wuxuuna yiri ” Aadamuhu wuxuu isugu murgaa hubsiino la’aanta aan hoos loo fiirin waxa markaa dhacaya ee muuqaalka kore laga eego, iyadoon tix gelin badan lasiin xaqiiqada muuqaalka ku dahsoon. Markii hore anigaa u muuqanayey dhib wade mudan in waajibkiisa la marsiiyo, haatanna waxaa dhib wadayaal u muuqda dumarkaas. Xaqiiqduna waxay tahay, dumarkaas oo marayey meel aan dad marayn ayaa waxaa kusoo baxay nin diifaysan oo aan safka ay yaqaanaan ka mid ahayn, waxayna sameeyeen wixii markaas u muuqanayey oo ahayd inay is badbaadiyaan, anigana waxaa ii muuqanaysay hantidooda ka dabaggee, waxaana iga hor yimi dad iyaguna islahaa dumarka bad baadiya. Iskusoo wada duuduub xaajada oo dhan waxaa ka muuqata iyaguna gar leh waa kuwa is badbaadinayey iyo kuwa badbaadinayey, qaab laawahaygaanina gar leh. Waxaanse marna gar lahayn ka dhex faa’iidaysiga sumcad ka raadinta is maan dhaafkaas saddexdaas rac dhex maray… Isagoo hadalkisii sii wata ayuu kaftan dhex dhigay wuxuuna yiri, ” Toloow waa sidee dhadhanka maalqabeenimadu, allow yaa hal habeen dhadhamiya…!”.
Dadkii meesha joogay ayaa qoslay aadna ugu bogay siduu xaajadii u furdaamiyey dhammaanna mashaqadii dhacday dadkii gaystay uu uga kor qaaday eeddii kor harsanaysay.. Waxaa si aan la koobi karin qosol aad mooddo saxasho hal mar fud kasoo yiri labadii dumarka ahaa middii taajiradda ahayd oo iyadoo indhaheeda ilini saaran tahay, ilintaas oo ay sababtay qaracankii kaga yimi ninkii xoolaheeda u badbaadiyey iyo falkay ku kaceen iyo isagoo markale sumcaddeedii badbaadiyey, kana qabtay maalqabeenkii doonayey inuu ku sharaf doonto. Waxaa kaloo qosolkaas farxadda iyo ilinta wata ka keenay habkii hufnaa ee uu u waydiistay inay siiyaan wuxuu cuno iyo sida dadka meesha joogaa aysan u garan… 
Waxay soo dhex jibaaxday dadkii oo intay garbaha gacanta ka saartay kalasoo dhex baxday dadkii, waxayna ku tiri ” Anigaa ballan u qaadaya inuu ogaado waxay dhadhanto taajirnimadu…” Iyadoo garbaha haysata ayeey waxay ku tiri, ” Calaacal waxba ii tari maayo iyo inaan raali iga ahoow daldalo ee waxaan kaa codsanayaa inaad iga aqbasho hal codsi, codsigaas oo ah inaad iga ogolaatid inaan iskaa baro wanaag iyo xumaan waxaan ahay inaad ogaatid oo markaa ka bacdi aad i qiimaysid…” Iyadoo hadalkii sii wadata ayeey ku tiri, ” Waxaad guddo iyo waxaad gasho waxaa iigu filan dhacdadii dhacday iyo sidaad u maaraysay… Ee fadlan inaad iga aqbashid dhankaygnaa waxuun ka ogaatid haba yaraate hadday doontee …”
Wuxuu ugu jawaabay oo ku yiri, ” Nin aad iyo aad u gaajaysnaa oo aan dhowr caanamaal afka wax gelin, sidayda ayaa nin u sheekeeyey, oo ku yiri… Waligaa hilibka noocaas ah oo khabiir faraha kula jiro oo uu hogeeyey, oo markuu kasoo saaray, faraha jileec kala raacaya oo udugga kasoo kam kamleh cari lagasoo raacayo inaad dhadhamiso ma rabtaa… Gaajoole oo laabtii baahnayd hilibkaas raacday ayaa ku jawaabay AAHAH… Gaajoolaha baahida waxaa u raacsanayd hurdo la’aan ba’an, sidayda… Ninkiii oo sheekadii sii wata ayaa yiri… Waligaa sariirta noocaas ah oo lagu goglay xariir, barkimuhu xariir yihiin, go’yaashu xariir yihiin ma rabtaa inaad ku seexato oo aad ogaato raaxadeeda… Gaajilihii ayaa haddana ku jawaabay AAHAH… Haatan sharafeey yaanan sheekadaas ku dheeraane anna jawaabtaydu waa AAHAH… “!. Qosol qalbiga kasoo go’ay intay rac kasiisay ayeey ku tiri… ” Warku waa cad yahay” … Halkii ayeey iska raaceen iyadoo aad u faraxsan una kici timeen hoogay magaalada ku lahayd….

Fadlan la Soco Qaybta Labaad Ee Sheekadaan….

Qisadaan Ujeed Ayaa Ku Qarsoon Ee Garo Commenkana Ku Faahfaahi… Mahadsanidin..

Wa Billaahi Tawfiiq

Waxaa Qoray: Abdirashiid Abdi Daad Ciiltire
Email: aadciiltire@gmail.com
Facebook Page: https://www.facebook.com/AADCiiltire/
website: https://aadciiltire.wordpress.com/

FG… Waa La Share Garayn KaRaa Balse Nuqul Guurin Ma Ogoli Rabbina Waa Ku Reebay Qofkii Sameeya…