Video:-Goodax oo loo badalayo wasaarada arimaha gudaha

Dowlada Dhexe in ay Goodax ubadalaan Wasaarad kale macno ma samaynayso,balse waxa muhiimka ah,ayaa ah in laga dhex saaro golaha.

Warar hoose,ayaa sheegaya in loo wareejin doono Goodax Wasaarada arimaha gudaha ,madaama uu ku fashilmay Wasaaradii Waxbarashada.

Dowlada Villa Muqdisho,ayaa u aragta Goodax xubin muhiim u ah markay timaado sika difaaca mucaaradka xooga badan ee kasoo horjeeda.

Goodax waa Nin caan ku ah aflagaadada iyo xishood la’aanta fagaaraha lala soo istaago.

Markaan dib ujaleecno xasuusihiisii hadaladisii xumaa ee ceebta iyo yax-yaxa watay waxaa ka mid ahaa:-

Xasuusta bilihii April Iyo May ee Abdullahi Godax barre!1

1. Wuxuu yiri “Baarlamaanka waxaa ka buuxa xubno Al Shabaab ah, kaasaana ka mid ah”

2. Wuxuu kaloo yiri “Puntland imtixaankii waa diiday, iyada ayey u taallaa meesha shahaado kala imaanayso, waana nasiib-daroweyn”

3. Wuxuu kaloo yiri “Aqalka sare ayaan kala shiray arrintii Puntland, waana dhammaysannay”

4. Wuxuu kaloo yiri “Waalidiin ayaa ilmahooda imtixaan u gaday”

5. Wuxuu kaloo yiri “Waxaan soo arkay arday uma ekeyn, waa laga buuxay”

6. Wuxuu kaloo yiri “Imtixaankii Puntland waa fashilmay”78. Wuxuu kaloo yiri “Waan ka xumahay hadalkii aan Puntland ka sheegay. Waa been aan faafiyay anoon hubsan”

Halkan ka daawo muuqaalka