Deg Deg – Dagaal dhexmaray ciidamada Wasiirka Waxbarashada Puntland iyo ciidamo ka tirsan Somaliland.

Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado uu wato wasiirka waxbarashada Puntland Cabdullahi Maxamed Xasan ayaa goordhaweyd ka bilowday magaalada Damalla-xagare ee koonfurta gobolka Sanaag.

Wasiirka waxbarashada ayaa maalmahan booqanayey magaalooyinka gobolka Sanaag oo uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.