Mas’uuliyiintii Dowladda Somalia ee lagu xanibay Kenya oo dib loogu soo celiyay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa dib loogu soo celiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka,kuwaasi oo xalay lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee dalka Kenya.

Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Dahir oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa la xaqiijiyay in Jomo Kenyatta ku xayirnaayeen in ka badan 15-saacadood,kaddib markii loo diidday in Baasabooradooda Diblomaasiga loogu dhufto fiisaha dal ku galka Kenya.

Hayeeshee Mas’uuliyiintan ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Go’aankii dowladda Kenya ku joojisay dal ku galka laga qaato garoonka diyaaradaha (Visaha On Arrival),taasi oo lagu dhufanayay Baasaboorada ay qaataan Xildhibaanada, Wasiirrada dowladda iyo Madaxda dowlad Goboleedyada dalka ka jira.