Maxaa keenay khilaafka sii xumaanaya ee Farmaajo iyo Uhuuru.

Talaabada Kenya ay qaaday ee ay ku aadan Visa-da waxay jawaab celin u tahay isku dayo Farmaaajo ku gardaraystay kuna weeraray danahooda.

Farmaajo oo ka duulaya sidii uu Jubaland dib gacanta ugu galin lahaa isbahaysigii Dooxada Juba, ayaa Dowlada Kenya oo ka taageerta maamulka Jubaland la dagaalanka argagixisada waxuu ku qaaday guluf dagaal Diblomaasi ah.

Farmaajo, ayaa ka tiro dhawr jeer u tagay Adis-ababa qorshe uu doonayay in Kenya amisom Mission Sector-2 looga wareejiyo loona gacan galiyo Itoobiya.

Kenya oo dhibsatay hab dhaqankaas,ayaa dhankeeda qaaday talaabooyin kooban oo ay jawaab uga dhigayso dagaalka Diblomaasi ee Farmaajo.

Farmaajo oo ka duulaya dano guracan oo ay dabada ka riixayaan koox ka xun horumarka la gaaray,ayaa geed dheer iyo mid gaabanba ufuulay sidii uu uburburin lahaa nidaamka hana qaaday ee Jubaland.

Jibril Qoobey