Kenya oo masaafurisay 17 oo ajaaniib ah

Dawladda Kenya ayaa musaafurisay 17 ruux oo ajaaniib ah oo ka shaqaysanayay khamaar, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Tallaabadaas ayaa imaanaysa maalmo ka dib markii wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I uu ku hanjabay in uu masaafurin doono ajaaniib ruqsado ganacsi oo kala duwan dalbaday, balse wuxuu u badalay ganacsiga khamaarka.

Wargayska gaarka loo leeyahay ee The Star ayaa sheegay in Matiang’I uu sixiixay amarka lagu musaafuriyay dadkaas oo u kala dhashay Talyaaniga, Shiinaha, Spain, Serbia, Kuuriyada Koonfureed, Bulgaria, Denmark iyo Turkiga.

Wargayska Daily ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkaas ay ka dhaceen ruqsaddii isla markaasna aysan haysan dokumentiyo ay ku sii shaqayn karaan, qaar kalana waxaa lagu eedeeyay in ay ka baaqsadeen in ay canshuur bixiyaan.

Wargayska Daily Nation ayaa sheegay in dhaqaalaha khamaarka ku baxa uu bilkaste gaaro 68 milyan oo doolar.

Qolyaha daymaha bixiya ee Kenya ayaa diiwaanka madaw galiyay in kabadan 500,000 oo ruux oo Kenyan ah, dawladda ayaana rumaysan in dayntaas inteeda badan loo qaatay khamaar.