Maareeye oo ka hadlay Qaraxii gaariga loo adeegsaday ee maanta ka dhacay Muqdisho

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa looga hadlay Qaraxii maanta barqadii ka dhacay meel ku dhaw Koontarool Ciidamada NISA ay ku leeyihiin inta u dhaxeysa Daljirka Daahsoon & Xabsigii hore ee Godka Jilacow.

Qoraalka Xafiiska Wasiirka Warfaafinta laga soo saaray ayaa wuxuu u qornaa sidan.:

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyay Qarax ay Shabaab la beegsadeen dad bakarakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyay gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryay dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Wasiirka Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada Bahalnimo ee ay Shabaab shacabka u soo maleegayaan bishaan Naxariista iyo Cibaadada ee Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira Al-shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari dooni jiritaan Al-shabaab.