Xuseen Ceelaabe Wasiirkii Arimaha Dibadda Soomaaliya oo qarax ku geeryooday.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye, ayaa maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Raysal wasaare Khayre ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka.

Ceelaabe ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda soo qabtay wakhtigii dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, isagoo xilal wasiirnimo oo kale kasoo qabtay dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray, sida dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ceelaabe wuxuu ka soo jeedaa degaan ahaan gobolka Awdal.