Xukuumadda Somaliya oo si kulul u cambaareysay gantaal loo ganay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaleecaysay gantaal loo ganay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxayna caddaysay in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, iyagoo ku tilmaamay shirqool ka dhan ah goobtaasi barakaysan.

” Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda. “