Tacsi:-Macallin Uur-Barwaaqo oo ku geeriyooday Galkacyo

Waxaa maanta ku geeryooday magaalada Gaalkacyo Allaha u naxariistee Sheekh Cabdiqaadir Uurbarwaaqo.

Waxaan Allah uga baryayaa inuu marxuumka dambigiisa dhaafo janadii fardowso ahaydna ka waraabsho, Caruurtiisii, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtiisii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo Amiin Yaa Allah.

Wuxuu geeryooday marxuumku bil bakaysan ee Allah janatul Fardowsa hoygiisa ha ka dhigo amiin.

AUN wuxuu ahaa Marxuumku nin wanaaga ka shaqeeya oo Nabadoon ah, isla markaasna wuxuu ahaa macalin bara caruurta iyo dadka waawayn Qur’aanka isagoo aflixiyey dad aad u badan oo uu baray diinta.

Nin wanaag ayuu ahaaye Allah ha u naxariisto anagana gadaashiis nama fidneeyo amiin.