Maxaad ka taqaan taariikhda safiirka cusub Ee Sacuudiga?

Cabdixakiin Xasan ibraahim,ayaa loo magacaabay Safiirka Somaliya u fadhiyi doona Boqortooyada Sacudi Carabiya.

Cabdixakiin waxuu ahaa Wasiiru-dowlihii Awqaafta ee Dowlada Dhexe,waxaana lagu tiriyaa shaqsiyaadka aadka ugu dhow Mulkiilaha Dowlada Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Cabdixakiin waxuu ka mid yahay xubnaha u adeega sirdoonka Qatar ee ku dhex jiray golaha Wasiirada.

Dowlada Sacuudiga,ayaa la filayaa in ay iska diido magacaabista Cabdixakiin,madaama ay xog ogaal ka tahay taariikhdiisa,isla markaana Dowlada Qadar uu kala dhaxeeyo Xurguf siyaasadeed oo weyn.

Dhanka kale waxaa la filayaa in booskiisii beel ahaan ee Wasaarada loo dhiibo Cabdirashiid Xidig oo hada ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jubaland.

Cabdirashiid,ayaa loo wadaa Wasiirudowlaha arimaha gudaha ee Dowlada Dhexe.

Ujeedada uu ka leeyahay Fahad Yaasiin umagacaabida Cabdirashiid Xidig ee arimaha gudaha,ayaa ah carqaladaynta doorashada soo socota Jubaland..