Garowe oo lagu qabtay shirka mashruuca kobcinta Iyo abaabulka daqliga ( Daaawo )

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Warsame ayaa Ka Hadlay Arimaha Canshuuraha Puntland Iyo Kaarka Canshuur Bixiyayaasha Waxa uu sheegay sida ay muhiim u tahay In mawaadiniinta ay bixiyaan Canshuurta iyo sidii loo sinlahaa nambar lagu ogaanayo.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda Puntland ayaa Ka hadlay shirka mashruuca kobcinta Iyo abaabulka daqliga , maaraynta Maaliyadda Dowladda Iyo Xoojinta Awoodda Dhaqaalaha Oo Garoowe Laga Daahfuray.