Farmaajo oo qayb ka noqday xuska Askartii Itoobiya Ee ku geeriyooday dagaalkii 1977

Dowladaha Itoobiya iyo Cuba,ayaa si wadajir ah ugu dabaaldagay sanadguuradii 41-aad ee kasoo wareegtay markii ay guul kasoo hoyeen dagaalkii ay la galeen Somaliya ee Gobolka Ogaden.

Xuska maalinta difaaca qaranimada iyo geesiyaasha,ayay labada Dowladood u dabaaldagaan sanad walba.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa ka qaybgalay xuskaas,waxayna isaga iyo ra’isalwasaaraha Itoobiya uwada beereen Geed ay ugu talagaleen xasuustaas.

Somaliya oo ah dalka dagaalkaas la xusayo lala galay,ayaa Madaxweynaheeda xiligan uusan soo qaadin geesiyaashii ku shahiiday halgankaas.

Halka uu qayb ka noqday xuska geesiyaasha Itoobiya iyo Cuba.