DEG DEG – Ciidamada Jabuuti oo lagu weeraray Jalalaqsi

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ay ku dhaawacmeen weerar jidgal ah ay kala kulmeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in malayshiyaadka Al-shabaab ay shalay galab jidka u galeen kolonyo ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti xilli ay marayeen aga’gaarka buundada jalalaqsi balse ciidamadu ay iska caabbiyeen weerarkaasi.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay khasaare dhimaasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen  ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti islamarkaana ay ka gubeen gaari nooca gaashaaman ah.