Farax Macalin oo Kenya ku dhaliilay qaabka ay ula dhaqmeyso Soomaaliya

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya mudane Faarax macalin ayaa ka hadlay qilaafka bada ee Kenya ay ku sheeganeyso bada Soomaaliya.

Mr Macalin ayaa tilmaamay in Kenya looga baahan yahay in ay si sharci ah u marto hadii ay jirto tabasho ay ka qabto Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu intaa ku daray in wax laga xumaado ay tahay cadaadiska ay Kenya ku heyso Soomaaliya.

Wuxuu ku booriyay madaxda Kenya in wax waliba ay u maraan wadiiqo wanaagsan ayna sugaan natiijada maxkamada cadaalada ay ka gaareyso muranka kenya ay ku sheeganeyso baddda Soomaaliya.