Khilaafka soo kala dhexgalay madaxda Galmudug

Khilaaf cusub ayaa soo dhex-galay madaxweynaha Gal-mudug Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] iyo maamulka Ahlusunna, kaasoo ka dhashay arrimo la xiriira xilliga ay dhacayso doorashada maamulkaas uu ku soo xulanayo xildhibaannada iyo hoggaanka cusub.

Khilaafkaan ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Xaaf uu shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug, isla markaana Ahlusunna ay aqbaleen in doorashada madaxweynaha Galmudug ay dhacdo bisha soo socota, balse uu taas ka hor-yimid madaxweyne Xaaf.

Shirar kala duwan oo ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay in la isku fahmi waayay, waxaana Axmed Xaaf uu ku adkeystay in doorasho ay dhici karto marka la gaaro sannada 2021-ka, halka hoggaanka Ahlusunna ay sheegeen in bisha soo socota ee sanadkaan ay qabsoomayso doorashada.

Dhanka kale, Lama oga illaa hadda qorshaha cusub ee maamulkii Ahlusunna ee ku biirtay Galmudug ay ku ogolaadeen in doorashada madaxweynaha ay dhacdo bisha soo socota inay ku lug leedahay Dowladda Federaalka Somalia oo horay u sheegtay inay doorashada qabsoomeyso.

Maamulka Ahlusunna iyo madaxweynaha Galmudug ayaa horay ga soo hor-jeestay in doorashada dhacdo sannadkan, balse lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa inuu isbedelo mowqifkii Ahlusunna Waljamaaca.

Ugu dambeyn, Khilaafkan ayaa laga yaabaa inuu salfado Madaxweyne Xaaf iyo xubnaha tageersan oo horay ugu soo guuray Dhuusa-mareeb, halka ay xubnihii kasoo horjeeday oo ku sugan Cadaado ay gacan ka helayaan DFS.