Video:-5-bilood kadib amaanka Bosaso oo aysan waxba iska badalin!!

Amaanka Bosaso waxba iskama badalin si walba oo xooga loo saaray in wax laga qabto.

Dhaqaalaha Wasaarada Amniga Puntland loogu talagalay sanadkii,ayaa dhan 1200.000 oo dolar,balse qiimayn kadib waa laba jibaar,ayaa laga dhigay waxaana la gaarsiiyay 2400.000 oo dolar sanadkii..

Dhamaan dhaqaalahaas waxaa loonjiheeyay amniga Bosaso xoojintiisa oo kaliya.

Wasiirkii amniga iyo Talyihii Booliska Puntland waxaa lagu amray in aysan dhinac udhaafin Bosaso.

Bosaso waxaa lagu daabulay Ciidamo sirdoon ah iyo kuwo Boolis ah oo fara badan.

Nasiibdaro magaalada Bosaso amnigeedii waxba iskama badalin ilaa iyo hada.

Masuuliyiintii loo igmaday sugida amnigeeda waxaa muuqata in aysan wax guul ah ka keenin.