Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo khaati ka taagan faragalinta Aaran-jaan!!

Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweynaha haloo kala leexdo!!

Xogaha hoose ee la helayo,waxay tilmaamayaan in uu jiro kacdoon xoog badan oo ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanadu waxay rabaan in Baarlamaanku waajibkiisa guto lana xisaabtamo golaha fulinta.

Kooxda Madaxtooyada ku horgudban ee aaminsan in ay iyagu samaysteen Madaxweynaha,ayaa durba bilaabay dhex orod Xildhibaanada dhexdoida ah.

Hotel Eyl,ayaa noqday taliska hawlgalka kala qaybinta Xildhibaanada,waxaana hogaaminta taliskaa loo igmaday Maxamuud Shido Ninka ay ka dhaadhacsan tahay in uu isagu Deni gaar u leeyahay.

Xildhibaanada oo aan xiriir la sameeyay intooda badan waxay ii xaqiijiyeen in ay khaati ka taagan yihiin faragalinta kooxdaas khatarta badan.

Ugu danbayn Xildhibaanadu waxay soo jeedinayaan in loo kala leexdo iyaga iyo Madaxtooyada si ay uga wada shaqeeyaan hawlaha Bulshadu uwada igmatay ee dastuuriga ah.