Video:-Col. Caare oo hanjabaad u diray Gudoomiyaha G. Sanaag ee Somaliland

Kornel Saciid Cawil Jaamac Caare oo maanta Qardho shir jaraad ku qabtay wuxuu wacad ku maray in uu gudoomiyaha Gobolka Sanaag uu gurigiisa ugu gali doono marka dhulku qalalo, sidoo kalena wuxuu beeniyay war kasoo baxay isla gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo ahaa in uu dalka ka dhoofayo, Caare wuxuu sheegay in uusan meelna dhulkiisa ugu socon.

Caare sidoo kale wuxuu ka codsaday golaha guurtida iyo baarlaamanka ee Somaliland in ay xil ka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Kaahin oo uu ku tilmaamey gacan ku dhiiglayaal, sidoo kale hay’adaha cadaalada ee dunida ayuu ugu baaqay in ay ku maxkamadeeyaan danbiyada ay galeen.

Kornel Caare ayaan waydiiyay waxa uu xal u arko ” Waxaan xal u arkaa in Biixi iyo Kaahin xilka laga qaado” sidoo kale waxaan waydiiy in hadii Madaxweyne Biixi iyo Kaahin ay ka codsadaan in miiska korkiisa ay kuwada hadlaan waxa uu ka qabo ” waxaan la hadlayaa marka 8dii qodob ee gacan libaax ay suurta geliyaan ” .

Halkan ka daawo muuqaalka