Garoomadii diyaaradaha Puntland oo qarka usaaran in ay xirmaan!!!!.

Waa wareey Khatarta Horn Risk Management(HRM).!!

Guud ahaan garoomada diyaaradaha Puntland,waxaa qaybta sugnaanta badqabka ama Security-ga gacanta loo galiyay shirkada HRM.

HRM maxay tahay?

Waa shirkad laga leeyahay Somaliland,balse ay Puntland keeneen kooxda khatarta ah!!! Ee Aaran-jaan.

Ninka ay ka dhaadhacsan tahay in uu gaar uleeyahay Madaxweynaha Maxamuud Shido iyo Xasan Shire Abgaal Wasiirka hana-qaadka ah,ayaa ku leh Saami buuran.

Madaxweyne Gaas oo ahaa Nin aan cuqdad gaar ah cidna aan uqabin ayay kuwa ay uyaqaanaan Reer Mudugu Kuwa Buur-Buuran la hoos ordeen,kadibna kasoo saxiixeen in amaanka garoomada Puntland lagu wareejiyo shirkadaas xarunta xog kaydkeedu ugu weyn yahay saldhiga reer Sh.Isxaaqa aan isku hayno dalka iyo dadka ee Hargaysa.

Maxuma in shirkad gaar loo leeyahay loo gacan galiyo hawlahaas oo kale sida ay noo sheegeen khubarada wax ka taqaan amaanka garoomada,balse waxa is waydiin mudan,ayaa ah sadex arimood oo kala ah,,,

B.Shirkada noocaas ah ma tahay mid lagu kalsoonaan karo shaqadeeda?

T.Shirkada noocaas ah ma tahay mid aan waxba u dhimayn horu-socodka shaqada garoonka.

J.Shirkada noocaas ah ma tahay mid lagu soo xulay si tartan furan ah.

Garoonkii Gaalkacyo waxaa hoos udhacay boqolkiiba lixdan diyaaradihii isticmaali jiray,waxaana todobaadkii kasoo dega 3-4 diyaaradood marka laga saaro kuwa qaadka ee maalinlaha.

Garoonka caasimada ee sida casriga ah loo dhisay wax la hubo oo joogta uga soo dega waxaa jira diyaarada ina Xassn Abshir ee Dowladu ay kalabar kharashkeeda bixiso.

Garoonka Bosaso oo ah kan ugu sareeya xaga dhabaha diyaaraduhu ku ordaan guud ahaan Somaliya waxuu qarka usaaran yahay in uu xirmo.

Dhamaan culayska saaran garoomada ee sababay in ay shaqadoodu hoos udhacdo waxa keenaya waa shirkada HRM.

Shirkada HRM waxay ku leedahay ama usaaran shaqsi walba oo garoomada kasoo dega lacag gaaraysa 60-dolar oo magacyo badan.

Sidoo kale diyaarad walba oo kasoo degta garoonka waxaa usaaran 1500-dolar.

Garoomada Puntland+dhiigmiiradka HRM+saxiixii Gaas×guusha Deni=halagu kala yaaco..

Rajadu ma fiicna balse haldoor waa ukici doonaa!!!

Dowladnimada Puntland ha guulaysato.

Jibril Qoobey.