Maxay isku haayaan Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Baarlamaanka somaliya Abdiweli ibraahin Shekh Muudey iyo ninka Ay Qaraabada yihiin ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir?

Dhanaadkii 2016 markii lasoo wada Xuley xildhibaanada Baarlamaanka somaliya oo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay u bartameen Xildhibaan Abdirashiid mohamed Xidig iyo xildhibaan Mohamed sheikh osmaan jawaari Muudey wuxuu la safnaa Abdirashiid Xidig maadaama muudey iyo Shariif Hassan ay saaxiibo yihiin ,

Markii Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka dhamaatey oo jawaari kursiga ku Guuleystey waxaa loosii Gudbey doorashada Gudoomiye ku Xigeenka koowaad waxaana u Tartamaayey Xildhibaan Farax sheikh Abdulkadir Mohamed iyo Xildhibaan Abdi welli ibraahin sheikh muudey waxaana kursiga ku guuleystey Muudey oo ku soo Baxay Taageero aan iska war Qabin oo kakala socotey fahad yaasiin iyo farmaajo iyo Shariif Hassan Gudoomiye muudey wuxuu noqdey Qof ay soo saarteen dad aan iska war Qabin haddana aan is ogoleen ,

Hadda maxay isku haayaan Gudoomiye Muudey iyo Fahad Yaasiin iyo Hassan Ali kheyre ?

Waxaa Jirey sharciyo farabadan oo Baarlamaanka somaliya uu Gudoomiye muudey uu u mariyey fahad yaasiin iyo Hassan Ali kheyre waxaana ugu Dambeeyey sharciga kheyraadka oo Gudoomiye muudey Baarlamaanka gudoominaayey markii sharciga la marinaayey ,

Gudoomiye muudey Ballan ayaa laga Qaadey Ballantaasi oo ah in lacag lasiiyo maadaama sharcigii adkaa ee kheyraadka uu Baarlamaanka somaliya mariyey,

Kaddib maxaa dhacay ?

Gudoomiye muudey markuu arkey in Ballantii looga Baxay oo wixii laga ballanqaadey loo fulin waayey isagana wuxuu is Hor taagey Qodobo ka mid ah sharciga Doorashada oo hadda Baarlamaanka hor yaala kaddibna fahad yaasiin iyo Hassan Ali kheyre waxay go,aansadeen iney Gudoomiye muudey iska hor wareejiyaan maadaama ay ku Daneysteen oo wax kasta oo ay u dirsadeen uu u sameeyey haddana Baarlamaanka somaliya aan dan kale aysan ka laheyn ,

Qorshoyaasha Socda way Tiro badan yihiin laakiin Qodobo kale ayaan idinla wadaagaayaa insha Allaahu Tacaalaa

Waaxaa qoray – Abdisatar Hassan Ali .