Video:-Xildhibaan Dhaashane oo kulan la qaatay jaaliyada Puntland Ee Saambiya

Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo maalmahan booqasho ku marayay Dslka Zambia,ayaa kulan la qaatay jaaliyada Ndola.

Kulanka oo ku aadanaa iswaraysi iyo kala xog qaadasho xaalada dalka,ayuu Xildhibaanku uga waramay jaaaliyada halka ay wax marayaan.

Si gaar ah waxuu uga waramay Xildhibaan Dhaashane Dowlada cusub ee la wareegtay hogaanka Puntland iyo talaabooyinka ay qaaday ilaa iyo hada.

“Dalku waa idin baahan yahay ,dhaqaalihiinuu ubaahan yahay ,kusoo cesha hantidiina qaar oo maalgashta”ayuu yiri Xildhibaan Dhaashane.

Dhankeeda ganacsatada reer Puntland ee Jaaliyada Zambia waxay Xildhibaanka ubalanqaadeen in ay dalka ka fulin doonaan laba mashruuc oo waa weyn sanadka danbe.

Sidoo kale waxay gudoomeen casuumad uga timid Madaxweyne Deni oo uu gudoonsiiyay Xildhibaan Dhaashane.

Maalmaha soo socda,ayaa la filayaa kulamo kale oo muhiim ah in uu Xildhibaanku la qaato xubno ka mid ah Dowlada Zambia.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10157200547331878&id=742346877